Guddiga lagu muransan yahay ee Doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay in dib u dhac kooban lagu sameeyay doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ee maamulka Hirshabeelle.
Doorashooyinka ayaa horay loo qorsheeyay in aysan dhaafin 20-ka Agoosto 2026, balse Guddiga ayaa sheegay in dib u dhaca uu yimid kadib markii loo baahday in la dhammaystiro hawlo muhiim ah oo la xiriira diyaar-garowga doorashada.
Guddiga ayaa sheegay in hawlaha u baahan in la dhammaystiro ay kamid yihiin diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ee afar degmo oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, iyadoo sidoo kale ururrada siyaasadda loo siinayo waqti ay ku abaabulaan taageerayaashooda iyo inay soo gudbiyaan liisaska musharraxiinta.
Sida uu Guddigu sheegay, muddo laba toddobaad gudahood ah ayaa lagu soo bandhigi doonaa jadwalka cusub ee doorashada iyo waqtiga rasmiga ah ee ay doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka Hirshabeelle qabsoomi doonaan.
Dib u dhacan ayaa ku soo beegmaya xilli Guddiga Doorashooyinka Hirshabeelle uu wajahayo muran siyaasadeed, iyadoo dhinacyo kala duwan ay horay su’aalo uga keeneen habka loo maamulayo geeddi-socodka doorashada.
Guddigan ayaa ku fashilmay doorashooyin dhowr uu ka soo qabtay deegaanada Koofur Galbeed iyo Galmudug, kuwaasi oo hareeyay Buuq iyo jahwareer xooggan.



