Xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka oo wajahaya caqabado cusub

Xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa wajahaya caqabado cusub, iyadoo dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto xoojinta xiriirka ay la leedahay maamulka Madaxweyne Donald Trump, xilli Mareykanka uu isu diyaarinayo doorashooyinka xilliga dhexe ee Congress-ka ee bisha November.

Warbixin ay daabacday Africa Intelligence ayaa sheegtay in dadaallada Muqdisho ee lagu hagaajinayo xiriirka Washington ay ku soo aadayaan xilli siyaasadda gudaha Mareykanka ay sii adkaanayso.

Sida warbixintu xustay, kooxo muxaafid ah oo Mareykan ah ayaa isku dayaya inay arrin siyaasadeed ka dhigaan fadeexad la xiriirta leexsashada lacago loogu talagalay gargaarka dadweynaha, xilli dalkaasi uu ku wajahanyahay doorashooyinka xilliga dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilihii lasoo dhaafay dadaallo ku bixiyay xoojinta xiriirka Washington, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo taageerada Mareykanka ee dagaalka lagula jiro maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa ka mid ah saaxiibbada amni ee muhiimka u ah Soomaaliya, isagoo taageero militari siiya ciidamada dowladda, isla markaana howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ka fuliya Soomaaliya.

Si kastaba, Africa Intelligence ma sheegin in maamulka Trump uu si rasmi ah u beddelay siyaasaddiisa Soomaaliya sababo la xiriira doorashooyinka xilliga dhexe. Warbixintu waxay diiradda saartay sida xaaladda siyaasadeed ee gudaha Mareykanka ay u saameyn karto xiriirka iyo dadaallada diblomaasiyadeed ee Muqdisho.

Xiriirka labada dal ayaa sidoo kale ku soo aadaya xilli Soomaaliya ay wajaheyso su’aalo ku saabsan mustaqbalka taageerada caalamiga ah ee howlgalka AUSSOM, iyadoo Mareykanku uu door ku leeyahay taageerada amniga iyo dadaallada la xiriira maalgelinta howlgalka.

Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaamaysa in kala qaybsanaanta siyaasadeed ee Soomaaliya iyo xaaladda amni ay ka mid yihiin arrimaha ay indhaha ku hayaan qaar ka mid ah saaxiibbada reer Galbeedka ee Muqdisho.

Waxay arrintani ku soo beegmaysaa xilli dowladda Soomaaliya ay doonayso inay sii xoojiso xiriirka Washington, iyadoo taageerada Mareykanka ay muhiim u tahay dhinacyada amniga, dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo taageerada howlgalka AUSSOM.