Deni iyo Axmed Madoobe oo toddobaadkan ku kulmaya Garoowe.

Madaxweynayaasha maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa la filayaa inay toddobaadkan kulan ku yeeshaan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

 

Kulanka la filayo ayaa la sheegay inuu diiradda saari doono xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, khilaafka kala dhexeeya dowladda Federaalka iyo sidii labada maamul uga soo saari lahaayeen mowqif mideysan oo ku aaddan arrimaha masiiriga ah ee dalka.

 

Labada hoggaamiye ayaa la filayaa inay si gaar ah uga arrinsadaan xaaladda siyaasadeed ee ka dhalatay khilaafka doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo wada-hadallada uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay.

 

Kulankan ayaa imaanaya xilli Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay shuruudo ka keeneen ka qaybgalka gogosha wada-hadalka ee dowladda Federaalka ay ku baaqday, taas oo qorshuhu ahaa inay maanta ka furanto Muqdisho.

 

Wararka ayaa tilmaamaya in kulanka Garoowe uu fursad u noqon karo Deni iyo Axmed Madoobe inay isku waafajiyaan mowqifkooda siyaasadeed, isla markaana go’aan mideysan ka qaataan wada-hadallada iyo xaaladda guud ee dalka.

 

Hase yeeshee, qorshaha kulanka labada Madaxweyne weli si rasmi ah looma xaqiijin, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga hayn ajandaha rasmiga ah iyo waqtiga uu qabsoomayo.