Dowladda Uganda ayaa si adag u beenisay sheegashada kooxda Al-Shabaab ee ahayd in dagaalyahannadeedu weerar gaadmo ah ku dileen tiro askar Uganda ah oo ku sugan Soomaaliya, iyadoo wararkaasi ku tilmaantay dacaayad ay kooxdaasi dooneyso inay ku wiiqdo niyadda ciidamada Uganda.
Sheegashada Al-Shabaab ayaa timid kaddib markii warar lagu baahiyay baraha bulshada ay tilmaameen in dagaalyahannada kooxdaasi ay weerar gaadmo ah ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada Uganda, xilli ay ku sugnaayeen gobolka Shabeellaha Hoose.
Wararka la faafiyay ayaa sheegayay in weerarka lagu dilay inta u dhexeysa 10 illaa 11 askari oo Uganda ah, kuwaas oo qeyb ka ahaa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), isla markaana la sheegay inay ku jireen hannaan ay dalka uga baxayaan.
Dennis Katungi, oo ah ku-xigeenka madaxa xarunta warbaahinta dowladda Uganda, ayaa Jimcihii wariyeyaasha kula hadlay magaalada Kampala, isagoo sheegay in Ciidanka Difaaca Shacabka Uganda (UPDF) ay baaritaan ku sameeyeen sheegashooyinkaasi, kuna ogaadeen inaysan waxba ka jirin.
Katungi ayaa xaqiijiyay in ciidamada Uganda ay si cad u diideen wararka sheegaya in la weeraray ciidamadooda lagana dilay askar ku sugan Soomaaliya. Wuxuu sheegay in wararkaasi yihiin kuwo la been-abuuray oo lagu doonayo in lagu wiiqo niyadda ciidamada Uganda iyo dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya, sida ay baahisay wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua.
Sheegashada weerarkan ayaa imaneysa xilli Uganda ay horraantii bishan ku dhawaaqday inay bilowday qorshe wejiyo kala duwan leh oo ciidamadeeda looga saarayo Soomaaliya, kaddib ku dhowaad labaatan sano oo ay qeyb ka ahaayeen howlgalada milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab.
Ciidamada Uganda ayaa laf-dhabar u ahaa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kaas oo markii dambe loo beddelay AUSSOM, iyagoo Soomaaliya ka howlgalayay tan iyo sannadkii 2007.
Qorshaha bixitaanka ciidamada Uganda ayaa la filayaa inuu soo dhammaado dhammaadka sannadka 2027, iyadoo mas’uuliyadda amniga si tartiib tartiib ah loogu wareejinayo ciidamada dowladda Soomaaliya.
Xilligan kala-guurka amniga ayaa ah mid xasaasi ah, maadaama ciidamada Soomaaliyeed ay la wareegayaan saldhigyo iyo mas’uuliyado ay muddo hayeen ciidamada shisheeye, iyadoo howlgalka bixitaanka uu u baahan yahay qorshe iyo isku-dubbarid amni.
Dowladda Uganda ayaa beeninta degdegga ah ee wararkan ku muujisay mowqifkeeda ku aaddan sheegashooyinka khasaaraha ciidamada, xilli Al-Shabaab ay marar kala duwan baahisay warar ku saabsan weerarro ay sheegato inay ka fulisay saldhigyada iyo kolonyada ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika.
Inkasta oo Uganda ay xaqiijisay inaysan jirin askar lagu dilay weerarka la sheegay, haddana xaaladda amni ee Soomaaliya ayaa weli ah mid adag, iyadoo indhaha beesha caalamka ay ku jeedaan sida ay u qabsoomi doonto kala-guurka amniga iyo awoodda ciidamada Soomaaliyeed ee la wareegaya mas’uuliyadda difaaca dalka.



