Dowladda Turkiga ayaa kordhisay dadaallada ay ku dooneyso inay ku dhexdhexaadiso dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, iyadoo Safiirka Turkiga ee Muqdisho, Ferhat Alkan, uu kulamo xiriir ah la yeelanayo siyaasiyiinta mucaaradka, isla markaana la filayo inuu booqashooyin ku tago dowlad-goboleedyada dalka.
Kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee Ankara ay ku dooneyso inay isugu soo dhaweyso dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, xilli uu dalka ka taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo la xiriira arrimaha doorashooyinka, dastuurka iyo mustaqbalka hannaanka dowladnimo.
Sida ay sheegtay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho, kulamada Safiir Ferhat Alkan uu la yeeshay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, geeddi-socodka siyaasadda iyo sidii loo abuuri lahaa wada-hadal dhex mara dhinacyada muxaafidka iyo mucaaradka.
Turkiga ayaa kulamadan ku muujiyay inuu diyaar u yahay inuu ka qeyb qaato dadaallada lagu doonayo in dhinacyada Soomaalida ay ku gaaraan is-afgarad, isagoo muujinaya inuu dhexdhexaad ka yahay khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha dalka.
Safiirka ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulamo la yeesho madaxda dowlad-goboleedyada, kuwaas oo qeyb ka ah dhinacyada sida weyn ugu lug leh khilaafka siyaasadeed ee haatan ka taagan Soomaaliya.
Dhaqdhaqaaqan diblomaasiyadeed ayaa imaanaya xilli ay adkaatay in la helo heshiis siyaasadeed oo dhex mara Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kuwaas oo isku haya hannaanka doorashooyinka iyo arrimo kale oo la xiriira dastuurka.
Turkiga ayaa muddooyinkii dambe door muuqda ku lahaa xiriirka siyaasadeed iyo iskaashiga amni ee Soomaaliya, waxaana dadaalladan cusub lagu doonayaa in la abuuro jawi wada-hadal oo horseeda xal siyaasadeed oo ay dhinacyada Soomaalidu ku heshiiyaan.



