Doon ku gubatay Xeebaha Dalka Cumaan

Warar  Dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Doon  ay leeyihiin Ganacsato oo ku gubatay xeebaha dalka Cumaan.

Doonta oo lagu magacaabo BLUE STAR oo badeecado kala duwan  sidday  kuna soo jeeday dekedda Boosaaso ayaa xalay saq dhexe ku gubatay jasiirad ku taalla xeebaha dalka Cummaan.

Wararka ayaa sheegaya  in doonta gubatay  markii hore ka soo shiraacatay dekedda magaalada Dubai ee dalka Imaaraatiga Carbeed halkaasi oo ay ka soo qaaday badeecadaha kala duwan.