Khasaare ka dhashay dagaal ka dhacay gobolka Jubada Hoose

Wararka Imaanaya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Jubland iyo Xubno ka tirsan Alshabaab uu dagaal  culus uu ku dhexmaray  degaanno ka tirsan gobolka Hoose.

Dagaal ayaa bilowday ka dib markii Alshabaab ay  weerar ku qaadeen Fariisin Ciidanka  Daraawiishta Jubland ay ku leeyhiin degaanka Janaay Cabdalla ee gobolka Jubada Hoose.

Ciidamada Jubland oo gacan ka helaya Ciidamada dawlada gaar ahaan Ciidanka Danab ayaa la sheegay in ay iska caabiyeen weerar ay Alshabaab ay ku qaadeen .

Wararka ayaa sheegaya in Khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac uu ka dhashay dagaalkaas balse lama  oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas  in kastoo Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta Jubland ay sheegeen in xubno ka tirsan Alshabaab lagu dilay Janaay Cabdalla kuwaas oo ka mid ah kooxdii weerarka soo qaaday ee Alshabaab .