Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta, 21-ka Agoosto 2026, soo saartay bayaan ay ku caddeyneyso mowqifkeeda ku aaddan arrinta Qubrus, kaddib hadallo iyo qoraallo dhowaan lagu baahiyay fagaarayaasha dadweynaha.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in mowqifkeeda ku aaddan arrinta Qubrus uusan waxba iska beddelin, ayna weli ku saleysan tahay Axdiga Qaramada Midoobay iyo qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Soomaaliya waxay mar kale xaqiijisay inay si buuxda u ixtiraamayso madaxbannaanida, xorriyadda, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Qubrus, iyadoo raacaysa sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Golaha Ammaanka, gaar ahaan Qaraarrada 541 ee 1983 iyo 550 ee 1984.
Dowladdu waxay sidoo kale sheegtay in qoraal ama farriin shaqsiyeed oo hore loo baahiyay uusan ka tarjumayn isbeddel ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, isla markaana aan loo fasiran karin inay Soomaaliya aqoonsatay hay’ad ka gooni ah qaybta waqooyi ee Qubrus.
Sida lagu sheegay bayaanka, ma jiro wax go’aan ah oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya qaadatay oo lagu beddelayo mowqifkeedii hore ee ku aaddanaa arrinta Qubrus.
Ugu dambeyn, Soomaaliya waxay dib u xaqiijisay taageeradeeda ku aaddan in arrinta Qubrus lagu gaaro xal nabadeed, wadaxaajood iyo mid waara, iyadoo hannaan kastana lagu marayo Qaramada Midoobay, sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Golaha Ammaanka.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay inay weli ka go’an tahay mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay iyo in khilaafaadka lagu xalliyo hab nabadeed.



