Booliska oo soo bandhigay Nin ku Eedeysan dilka Gabar Ceejo lagu dilay

Ciidanka Booliiska gobalka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane Cabdi Casiis Cismaan Maxamed (Sadaam) oo loo haysto inuu ceejo ku dilay Marxuumad Maa’iddo Maxamed Axmed.

Ciidanka Boliiska gobalka Banaadir, gaar ahaan Saladhigga Booliiska degmada Warta-Nabadda ayaa gacanta ku soo dhigay, eedeysane Cabdicasiis Cismaan Maxamed (Sadaam) oo ku eedeysan in uu ceejo ku dilay Marxuum Maa’ido Maxamed Axmed oo 17 jir aheyd, dilkaas gabadhaas ayaa gelinkii dambe ee shalay ka dhacay degmada Warta-Nabadda   ayaa lagu yiri qoraalka  Booliska ka soo baxay .

Ehelada Marxuumad Maa’ido Maxamed Axmed ayaa warbaahinta la wadaagay war aan rasmi  ahayn oo ahaa in Maa’ido Maxamed la gawracay  balse Booliska ayaa beeniyay warkaas