Xukun lagu riday Nin Al-Shabaab u qaabilsanaa diiwaan galinta iyo sahminta ganacsiyada

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Talaado ah xukun ku riday Cali Abuukar Jimcaale Rooble oo lagu helay kamid ahaanshiyaha Ururka Al-Shabaab, isaga oo u qaabilsanaa qaybta Amniyaadka.

Cali Abuukar Jimcaalle Rooble, waxa ay reerkiisa u safriyeen dalka Koonfur Afrika sanadkii 2010-kii Sanad kedib markii uu ku biiray Al-Shabaab.

Todoba sano oo la islahaa waxa uu ka tanaasulay fikirka Al-Shabaab ma dhicin balse waxa uu ka soo degay Muqdisho dabayaaqadii 2017 isaga oo xambaarsan isla fikirkii Al-Shabaab.

War kasoo baxay Maxkamadda ayaa waxaa lagu sheegay in Al-Shabaab u wakiilatay Cali diiwaan gelinta ganacsiyada cusub iyo sahmintooda, waxa uuna mushaar ahaan u heli jiray 50 ilaa 100 dollar bishiiba.

Markale ayay Al-Shabaab ku celisay tababar lagu barayo isticmaalka hubka, waxaana lagu ogaaday baaritaanka hay’adaha Amniga in maalmo uu la qaatay Cali jabhad hareeraha Jilib-Marko ku sugneyd.

Dalabka xeer ilaalinta ee ahaa maxkamad qaadista Cali Abuukar Jimcaalle ayuu garsoorka Ogolaaday afartii March sanadkan.

Garsoorka ayaa waqti ku filan siiyay dhinacyada Dacwadda, waxa ayna habraacii maxkamadeed kedib ku xukuntay Cali Abuukar Jimcaalle Rooble Sideed Sano oo Xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo heerka Koowaad ee maxkamadda ciidamada ka tirsan.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan.