Xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka JFS ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qeyb galay aqoon isweydaarsi ku saabsan sharciga shaqaalaha Aduunka,oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda shaqaalaha Aduunka ILO Waxaana GoobJoog ahaa Xubnaha Labada Guddi ee BJFS.
Gudoomiye ku xigeenka guddiga ahna Kusimaha Guddoomiyaha Guddiga horumarinta Adeega Bulshada Golaha Shacabka Xildhibaan Dr Cabdirashiid Maxamed Nuur (Jilley) Guddoomiyaha guddiga Adeega bulshada Aqalka sare Senator Dr Cusmaan Maxamuud Dufle ayaa hogaaminayay xubnaha labada guddi ee aqoon isweydaarsiga ka qeybgalay.
Maanta ayee soo xereen gudoomiyayaasha labada Aqal.




