Xildhibanadda baarlamaanka soomaaliya ayaa maanta waxaa uu kulan uga socdaa xarunta golaha shacabka ee Soomaaliya.
Kulanka baarlamaanka waxaa su,aalo wadareed lagu weydiinayaa wasiirka amniga soomaaliya iyo wasiirka gaashaandhigga soomaaliya.
Wasiirka amniga waxaa wax laga weydiiyey amniga garoonka Aadan Cadde iyo xasaanadda Xildhibaanada oo sheegay in lagu xad gudbay xasaanadooda..
Wasiirka amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay inaysan jirin wax amar ah oo ay Wasaaraddu ku bixisay in la baaro Xildhibaannada, waxaana uu intaa ku daray in haddii ay jiraan waxqalad ah oo mudanayaasha lagula kacay wax laga qaban doono.
Guddoomiyaha baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo gabo gabadii ka hadlay kulanka baarlamaanka ayaa Xildhibaannada kula dardaarmay in marka ay tegaan goobaha amniga lagu sugayo ay ciidamada amniga gacan ku siiyaan gudashada waajibaadkooda, asagoo sheegay inay xasaanada Xildhibaanada muhiim tahay loona baahanyahay in la ilaaliyo.


