Maareeye” NUSOJ waa urur saxaafadeed oo madax banaan”+sawiro

Kulankan maanta guddiga madax banaan ee xalinta khilaafkii ka dhaxeeyay hogaanka Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana ay soo wakiisheen Warbaahinta dalka ay la qaateen Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlayay arrimo ay ka mid yihiin warbixin ku saabsan halka ay mareyso howsha guddiga oo ah dhameynta khilaafkan mudada soo jiitamayay iyo helida qorshe dhab ah oo lagu dhisayo hogaan ururka NUSOJ uu yeesho.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir ‘’Meereey’’ ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafinta iyo ka dowlad ahaanba ay taageerayaan dadaalada Warbaahinta Soomaaliya lagu horumarinaayo, maadaamaa dalka hada isbedelo dhinaca horumarka ah uu galayo.

Sidoo kale Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Meereeye” ayaa ka hadlay mowqifka Wasaaradda Warfaafinta kaga aadan Ururuka suxufiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.

“Mowfiqka dowlad ahaan iyo kan Wasaarad ahaan, waxaan cadeynayaa in NUSOJ ay tahay urur saxaafadeed oo madax banaan, kaasi oo ay leeyihiin suxufiyiinta Soomaaliyeed, tan kale guddigan anigu ma soo xulin ee bahda Warbaahinta ayaa iska soo dhex doortay, anaguna waxaan ku leenahay inaan talo ku biirino, iyaguna ay warbixin naga siiyaan halka ay wax u mareyso” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Gudigan Sagaalka xubnood ka kooban, islamarkaana ay iska soo xuleen warbaahinta dalka ayaa malmihii ugu dambeeyay waday dadaalo ay ku soo afjarayaan muran mudooyinkii ugu dambeeyay ka taagnaa hogaanka ururka suxufiyiinta Qaranka,waxaana maalinta beri ah lagu wadaa in gudigan uu kulan la qaato guud ahaan suxufiyiinta ka howl gala magaalada Muqdisho oo ay hor geyn doonaan waxyaabaha ilaa hadda u qabsoomay iyo qorshahooda xiga.

1

2

3

4

5

6

Sawirada xigasho: Radio Muqdisho