Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud oo ka hor hadlyay kullankii golaha shacabka ee maanta, ayuu is weydiiyay su’aallo cajiib ah.
Su’aalaha uu si weydiiyay Xildhibaan Sakariye kana mid ahaa Musharixiintii xilka Madaxweynenimada kula tartantay Madaxweyne Farmaajo, ayaa waxaa kamid ahaa in golaha wasiiirada xukuumada Soomaaliya ay isku raaceyn oo ay ansixiyeen in qof ajnabi ah laga dhigi karo gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale su’aal galiyay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wax ka ogyahay xeerkaan ay ansixiyeen golaha wasiirada oo ugu dambeyn maantana ay ansixiyen golaha Shacabka Soomaaliya.
“Waxaan rumeysan la’ahay in xeerkaan golaha wasiirada ay si wada ogol ah isugu raaceyn in ay ansixiyaan oo ay goalaha Shacabka usoo gudbiyaan, waxaan kale oo aan rumeysan la’ahay in golaha wasiirada ay isku raaceyn in lagu tunto Dastuurkii dalka u yaalay ilaamaa maalintaan xuriyada qaadanay oo weliba hal qof oo ajnabi ah dartiis sidaas loo yeello” ayuu sheegay Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud.
Waxa uuna intaasi sii raaciyay” waxaan xukuumada ka rabnaa kitaabkii lagu dhaarin lahaa ninka ajnabiga ah ee lagu wado in uu gudoomiye ka noqdo Bankiga dhexe ee Soomaaliya”.
Inkastoo xeerkaani ka dhalatay hadal heyn aad u badan iyo kala aragti duwanaasho xoogan, ayaa ugu dambeyan maanta ansixiyeen golaha Shacabka Soomaaliya, taasi oo ay micnaheedu tahay in maanta wixii ka dambeeya sharci tahay in qof ajnabi ah laga dhigi karo gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya.



