Madaxweynaha cusub ee maanta xilka la wareegay ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray wareegto cusub oo amar ah.
Amarkaasi ayaa ah in uu joojiyay in la dhiso dhulka danta guud ah ee dowladda Puntland ay leedahay, waxaana isla waregtadaasi lagu faray laamaha amaanka in ay ka hortagaan cidii dhisanaysa dhulka dowladda.
Madaxweyne Dani ayaa tan iyo markii uu xilka madaxweynaha maamulka Puntland shanta sano ee ina soo aadan loo doortay ayaa soo saaray awaamiir dhowr ah oo gebigoodba u muqqday in uu kaga hortagayo in loo gacan dhaafo, hantida guud maamulka Puntland.
Halkaan hoose ka akhriso wareegtada uu maanta soo aaray madaxweyne Deni.




