Iyadoo dhawaan xilka laga qaaday wasiirkii Boostada iyo Isgaarsiinta dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxaa ka socota Magaalada munasabad uu xilka kula wareegaayo wasiirka cusub ee wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta dowladda Soomaaliya.
Munaasabada ayaa hada waxay ka socota xarunta wasaarada Boostada iyo isgaarsiinta dowladda Soomaaliya waxaana halkaas goobjoog ah madax ka socota dowladda Soomaaliya.
Madaxda ka qeyb galaysa xil wareejintaas ayaa waxaa ka mid ah ra’iisul xigeenka dowladda dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte .
Wasiirkii hore ee Wasaarada Boostada iyo Isgaariinta Guuleed Xuseen ayaa waxaa lagu eedeeyay inuusan wax muuqda ku soo kordhin wasaarada intii uu xilka hayay,waxaana wasiirka cusub ee wasaarada boostada iyo Isgaarsiinta mudane Maxamed Jaamac Mursal looga fadhiya in wax badan ka qabto.


