Maamulka Jubbaland oo fashiliyay qarax miino

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay saakay fashiliyeen Qarax la doonayey in lagu dilo dad badan kuwaa soo ku sugnaa magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxaha  oo  la sheegay in uu ahaa  Miino ayaa la geliyay halka loo yaqaan Kuumadaha oo horay u aheyd Warshadii Galeyda ee Magaalada Kismaayo.

Ciidamada ayaa markii ay heleen warka ku saabsan in qarax miino goobta la dhigay waxay si farsamo leh gacanta ugu dhigeen miinadii goobta la dhigay iyadoo aan qarxin oo wax khasaaro geesan.

Ururka Al-Shabaab ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose  ka geystay  Qaraxyo,dilal qorshaysan iyo sidoo kale weeraro badan.