Xiisad ka taagan ololaha doorashada dalka Uganda & Hogaamiya Mucaaradka oo la xiray

Hogaamiyaha Xisbiga FDC ee Mucaaridka Ugandha Mr.Kizza Besigye ayaa xalay markii labaad xabsiga la dhigay muddo 24saac gudaheeda, kadib rabshado Isniintii shalay ka dhacay bartamaha caasimadda Kampala.

Shalay gelinkii danbe ayay rabshado ka dhaceen bartamaha caasimadda Ugandha kadib markii ay isku dhaceen taageerayaasha xisbiga mucaaridka ee FDC iyo ciidamada booliiska. Iska horimaadkaasi ayuu ku dhintay ugu yaraan hal qof, walow ay mucaaridka sheegteen in ciidamada dileen sadex qof.

Rabshadaha ayaa bilowday kadib markii taageerayaasha FDC ay socod ku mareen bartamaha Kampala, isla markaana ka weecdeen wadadii horey loogu diyaariyey in ay ku dhigaan banaanbaxooda. dowladda Ugandha ayaa sheegtay in xisbiga FDC uu sabab u yahay xiisada isla markaana doonayeen inay banaanbaxooda ka dhigaan Farasmagaalaha Kampala, taasi oo ay sheegeen inay khatar ku ahayd xarumaha Ganacsiga isla markaana ka hortageen.

Dhinaca xisbiga FDC ayaa ku eedeeyey rabshadaha Madaxweyne Yuweri Musefeni oo ay sheegeen inuu ciidamada amaanka u adeegsanayo ololihiisa doorashada. Hogaamiyaha xisbiga FDC Kizza Besigye ayey ciidamada xireen shalay kadib rabshadihii ka dhacay Kambala, waxaana la sheegay in mar labaad hadana la xiray xalay.

Doorashada Ugandha ayaa lagu wadaa inay dhacdo maalinta Khamiista ah ee 18ka bishan Feberaayo, waxaana si weyn markale ugu loolamaya Yuweri Musefeni oo xilka hayey tan iyo 1986dii iyo Kizza Besigye oo isagu hogaaminaya Mucaaridka sadex goor oo horena looga soo guuleystay doorashooyinka.

Maalmo kahor ayaa dood loo qabtay Murashaxiinta Madaxweynaha, doodaasi oo uu markii ugu horeysay ka qeyb galay Madaxweyne Yuweri Musefeni oo isagu diiday inuu ka qeyb galo doodii la qabtay bishii Janaayo, Musefeni ayaa si adag uga hadlay goobta, isla markaana sheegay inuu doonayo in doorashada ay si nabad ah u dhacdo.