Cayaaryahan horay Man United ugu soo cayaaray oo loo magaacabay madaxa academy kooxda

Ciyaaryahankii hore ee Manchester United Nicky Butt ayaa loo magacaabay madaxa academy kooxda United.

Butt,oo 41 jir ah, ayaa amid ahaa madaxda hoose ee Old Trafford wuxuuna u ciyaaray 387 kulan kooxdan intii u dhexeeysay 1992 iyo 2004.

Waxa uu tababaraha kooxda juunyeerka iyo19-jirada ka shaqeeynayay tan iyo 2012.

Gudoomiye ku xigeenka fulinta koxda United ,Ed Woodward ayaa yiri: “Nicky ayaa wax badan ka garanaya Hidaha iyo dhaqanka kooxdiisa ,waana doorashada ugu fiican ee la sameeyay..”

Butt ayaa yiri: “sharaf weyn ayay ii tahay in la isiiyo fursad aan kaga shaqeeeyo academy dishibiliinta ahaan wax badan ayaa ka badeli doona mustaqbalka ciyaartoyda Manchester United.”

Talaabadan ayaa ayaa meesha ka saareysa agaasimaha akadeemiga Brian McClair oo shaqadan loo dhiibay June 2015.

Paul McGuinness ayaa ka tagay doorkiisa tababarenimo ee18-jirada todobaadkii hore.

,waxaana loo dhiibi doonaa McClair oo laga bedelay akadeemiga United.