Ugu yaraan 26 qof ayaa dhimatay kadib markii ay koronto ku qabatay fiilo koronto oo ku dhacday suuq ku yaalla Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, sida ay booliisku sheegeen.
Fiilada koronto ku shaqeysa ayaa go’day oo ku dul dhacday guryo iyo dad ka dukaameysanayay meel u dhow caasimadda Kinshasa Arbacadii.
Muuqaalo aan la xaqiijin oo la soo dhigay baraha bulshada ayaa u muuqday kuwo muujinaya sida ay wax u dhaceen, iyadoo meydad dhowr ah oo aan dhaq-dhaqaaq lahayn ay ku jiraan barkado biyo ah.
Ilaa hadda ma cadda waxa sababay in xadhiga Korontada uu go’o.
Balse bayaan ay soo saartay shirkadda qaran ee korontada ee DR Congo ayaa sheegtay inay rumeysan tahay in danab ku dhacay qeyb ka mid ah fiilada, taasoo keentay inuu dhulka ku dhaco. Shirkadda ayaa tacsi u dirtay qoysaska dhibanayaasha.
Booliska ayaa sheegay in burburka uu ka dhacay degmada Matadi-Kibala ee duleedka magaalada Kinshasa waxaana goobta ku dhintay tiro dad ah.



