Tababaraha xulka Portugal FERNANDO SANTOS ayaa sheegay in xidigiisa Cristiano Ronaldo uusan wax hurdo ah helin tan iyo markii uu gool kulaadka ka qasaariyay dalkiisa.
31 jirka Real Madrid ayaa birta ku garaacay rigoore loo dhigay dalkiisa kulankii 0-0 ku dhamaaday ee Portugal iyo Austria.
Portugal ayaa hada u baahan iney garaacdo Hungary Arbacada si ugu soo gudubto wareega 16-ka ee koobka qaramada Yurub.
Tababare Santos oo u waramayay The Sun wuxuu yiri ““Cristiano ma uusan seexan ilaa hada “
“Axadii waxey aheyd mid aad noogu xun dhamaateen iyo arin aan kusoo baraarugnay.
“Ronaldo waa guuleyste, waaya aragnimadiisa ayaa naga caawin doonta inaan dib usoo kabano.
Tababare Santos ayaa intaas ku daray in Ronaldo uu qaadan doono hadii dalkiisu uu helo gool kulaad kale “Hadii aan helno rigoore kulanka xiga Cristiano Ronaldo ayaa qaadan doona waana uu dhalin doonaa.
“Waxaan u ciyaarnay si wanaagsan kulankii Austria inkastoo aanan gool dhalin hadana waxaan soo bandhignay ciyaar fiican,waxaan la ciyaarnay dalka kaalinta 10 aad kaga jira qiimeynta aduunka ma aheyn Austria dal yar.


