Golaha Wasiirada dowladda Turkiga ayaa kulan ay yeesheen waxa ay ku kordhiyeen Xaaladda deg dega ah ee Saaran dalkaasi ka dib markii Madaxweyne Urdogon uu ku guuleystay Aftidii loo qaaday dastuurka dalkaasi ee lagu kordhinaayay Awoodda Fulineed ee Madaxweynaha.
Xaaladda deg dega ah ee Saaran Turkiga ayaa timid ka dib markii dalkaasi sanadkii hore uu ka dhacay Afgambi guuldareystay.
Waxaana Madaxweynaha dalkaasi uu ku dhawaaqay in dalka la geliyay Xaalad deg dega ah.
Dhowr jeer ayaa la kordhiyay Xaaladda deg dega ah ee Saaran Turkiga laakiin tani ayaa timid Xilli Urdogon uu ku guuleystay.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dowladda Turkiga Numan Kurtulmus ayaa Warbaahinta u sheegay in tilaabadaan looga dan leeyahay in Kooxaha Mucaaradka ah in aysan sameyn Arbushaad.
Muddo Saddex bilood ah ayaa dalka Turkiga waxaa uu kusii jiri doonaa Xaalad deg deg ah.