Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Guddi ay ka mid yihiin Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya waxaa uu u magacaabay wadahalada Galmudug iyo Ahlusunna.
Wasiiradaasi waxaa ka mid ah Wasiirka Arimaha dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo sidoo kale Wasiirka arimaha Gudaha Cabdi Faarax Saciid Juxa.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sidoo kale xalay la kulmay xubno ka tirsan Ururka Ahlusunna ee gobolada Dhexe.
Sidoo kale waxaa lagu wadaa in uu maanta la kulmo Ra’iisul Wasaare Kheyre Mas’uuliyiin ka tirsan Ahlusunna.



