Sanaag-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya saakay deegaano gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan.
gobolka Sanaag dhowaan waxaa ku dagaalamay ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Soomaaliland, waxaana dagaalkooda uu ka bilowday kadib markii dhinac kasta uu sheegtay in gobolka Sanaag uu ka tirsan yahay maamulkiisa.
Mas’uuliyiin ka kala tirsan maamulada Puntland iyo Soomaaliland ayaa waxa ay gaareen deegaanka Haylaan ee gobolka Sanaag oo dagaalka intiisa badan uu ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka wadaan sidii labada maamul ay uqaadan lahaayeen Nabada.
Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda gobolka Sanaag ayaa sidoo kale waxa ay wadaan dadaalo ku aadan sidii heshiis nabadeed loo dhex dhigi lahaa maamulada Puntland iyo Soomaaliland.
Ilaa iyo hada Soomaaliland ayaa ku doodaysa in ay leedahay gobolka Sanaag,islmarkaana ay geynayso sanaadiiqda codbixinta, halka maamulka Puntland ay ka soo horjeedo in Soomaaliland ay sanaadiiqda codbixinta keento gobolka Sanaag.


