J/Hoose-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka kala tirsan dowladda Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo kuwa Mareykanka ay weerar khasaare geystay ka fuliyeen Jubbada Hoose.
ciidamo ka kala tirsan dowladda Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo kuwa Mareykanka ayaa weerarka waxa ay ku qaadeen saldhigyo Shabaabka ay ku leeyihiin gobolka Jubbada Hoose.
Saraakiil uhadshay dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegeen in weerarka ay khasaare xoog leh ku gaarsiiyeen Shabaab, Waxaana weerarkan uu dhacay shalay gelinkii dambe.
Saraakiisha dowladda ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in weerarkan ay ku dileen 10 Dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab, inkastoo wararkaasi ay yihiin kuwo aan si dhab ah loo hubin.
Warar madax banaan ayaa sheegaya in weerarkan uu jiro sidoo kalena, sidoo kalnena khasaare lagu gaarsiiyay sladhigyada Shabaab ee weerarka lagu qaday, inkastoo wararkaas aan xaqiiqo rasmi ah loo heyn.
Horey waxaa deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka uga dhacay weeraro iyo Duqeymo ay geysteen dowladaha taageerada siiya dowladda Soomaaliya, kuwaas oo la beegsanayay goobaha ay saldhigyada ku leeyihiin Shabaab.
Ilaa iyo hada Shabaabka kama aysan hadlin weerarkan la sheegay in uu ka dhacay Jubbada Hoose, sidoo kalena khasaare lagu gaarsiiyay dagaalyahano iyaga ka tirsan.


