Beledweyne-RisaalaFM- Xaalad daganaansho ayaa saakay laga dareemayaa magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan oo 3-dii maalmood aynu soo dhaafnay ay ka dhaceen dagaal Beeleedyo.
Dad ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa inoo sheegay in xaalka saakay magaalada Beledweyne uu yahay mid aad u degan kadib markii ay shalay ku dagaalameen Meeleeshiyo beeleedyo wada daga magaalada Beledweyne.
Maamulka Baledweyne ee dowladda soomaaliya oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in lagu guuleystay in la kala qaado beelihii ku dagaalamay gudaha magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Dadkii ku dhaawacmay dagaalka ayaa la gaarsiiyay isbitaalka magaalada Beledwenye ee xarunta gobolka Hiiraan si halkaa loogu dabiibo dhaawacyada ka soo gaaray dagaaladii 3-dii maalmood la soo dhaafay ka dhacay Galbeedka Beledweyne.
Booliiska magaalada Baledweyne ayaa sheegay in ay awood u adeegsan doonaan joojinta dagaalka magaalada Baledweyne.


