DHAGEYSO: Wasiir Odowaa oo waxgaradka Jowhar kala hadlay dadejinta shirka Hiiraan & Sh/Dhexe

Jowhar-RisaalaFM- Wasiirka Wasaaradda dowladda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa la kulmay Odayaasha dhaqanka ee ka qeyb galaya shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Waxaana uu kulanka ahaa mid looga hadlay sidii loo dadejin lahaa shirka, islamarkaana dhinacyada wali shirka ka maqan loogu soo biirin lahaa.

Qaar ka mid ah Odayaasha ayaa sheegay in aysan waxba dhaqaajin karin, iyadoo dowladda Dhexe banaanka ka joogto shirka, waxaana ay ka codsadeen Wasiir Odowaa in uu si dhow uga shaqeeyo dhaqaajinta shirka.

Wasiir Odawaa ayaa sheegay in wali dowladdu wado dadaalo ku aadan sidii shirka u guuleysan lahaa, waxaana uu xusay tan iyo intii uu ka maqnaa Jowhar uu wada hadalo la lahaa Odayaasha reer Hiiraan ee wali aan ku qanacsaneyn shirka.

Wasirka arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya ayaa tagitaankiisa Jowhar Waxaa lagu macneeyay in uu fududeynayo dadejinta shirka maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.