Xaalad degenaansho ah oo laga dareemayo deegaanada Puntland

Xaalad degenaansho ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ka jirto deegaanadu ay dagaalada ka dhaceen ee Toga Suuj oo ka tirsan gobolka Nugaal.

Dagaaladaas ayaa waxa ay u dhaxeyeen ururka Al-shabaab iyo ciidamada maamulka Puntland.

Wararka halkaas ka imaanaya ayaa sheegaya in saakay xaalada ay tahay mid degan, inkastoo wali ay halkaasi isku hor fadhiyaan labadii dhinac ee dagaalamay.

Xalay saqdii dhexe ayaa waxaa halkaasi ka dhacay dagaal waxaana saraakiisha Puntalnd ay ku macneeyeen dgaalkaas in ururka Al-shabaab ay doonayeen xilli habeen ah in ay ka guuraan deegaanka Toga Suuj arintaasina ay ka hortageen.

Al-shabaab ayaa ilaa iyo hada wax war ah aan ka soo saarin dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhaca deegaanka Toga Suuj iyo waliba deegaano kale oo ka tirsan gobolka Nugaal.