Maraakiibta xeebaha Puntland jooga gaar ahaan kuwa ay leeyihiin ciidamada NATO ayaa Puntland waxa ay ku eedeysay in talaabo ku aadan dagaalada ka socda xeebaha Puntland aysan waxba ka qaban.
Puntland ayaa sheegtay in ciidamo aad u fara badan oo NATO ah ay haatan ku sugan yihiin xeebaha Puntland kuwaas oo halkaasi u jooga ka hortaga falalka ay geysanayaan kooxha burcad badeeda.
Afhayeenka maamulka Puntland C/laahi Quraan Jecel ayaa sheegay in ciidamada NATO aanay wax talaabo ah ka qaadin kooxaha argagixisada ah ee weerarka ku soo qaaday deegaanadeeda.
Dagaal u dhaxeeya ciidamada maamulka Puntland iyo kooxaha hubeysan ee gaaray deeganada Puntland ayaa shalay ka dhacay deegaano hoostaga gobolka Nugaal.


