Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug waxaa saacadihii la soo dhaafay kusii qul qulayay ergooyin kala duwan oo doonaya inay ka qeyb galaan Shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug oo dhawaan halkaasi ka furmaya.
Ergooyinka ayaa dhamaantood waxaa ay ka kala imaanayaan deegaannada Mudug iyo Galgaduud ee uu ka kooban yahay Maamulka Galmudug, iyada oo lagu soo dhaweynaayo Magaalada Dhuusamareeb oo ay taallo gogosha dib u heshiisiinta.
Xubnaha guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug ayaa xalay waxaa ay soo saareen habraaca uu ku furmi karo shirka,iyada oo guddiga qaban qaabada shirka ay wadaan kulamadii ugu dambeeyay oo ay la yeelanayaan Bulshada Magalada Dhuusamareeb.
Waxaa sidoo kale Magaalada Dhuusamareeb laga dareemayaa qaban qaabadii u dambeysay ee uu ku qabsoomida shirkaas oo la filayo in uu billaawdo 17 bishaan oo ku beegan Sabtida soo socota,waxaana aad loo adkeeyay Amniga Guud ee Magalada Dhuusamareeb.
Dhinaca kale waxaa jira Beelaha qaarkood oo dega deegaannada Galmudug sida Magaalada Cadaado inay horay u sheegeen inaysan ka qeyb gelyn shirka dib u heshiisiinta ee Magalada Dhuusamareeb, iyaga oo soo bandhigay shuruudo kala duwan.