Weerar Askar Kenyan ah lagu dilay oo ka dhacay lamu

Xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab ayaa weeraray Gaadiid ay wateen Ciidamo Kenyan ah oo marayay degaan ka tirsan Gobolka lamu ee dalka Kenya, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaaro kala duwan.

Gadiidka Ciidamada Kenya ayaa marayay deegaanka Baure ee gobolka Lamu, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in weerarka uu ka horeeyay qarax miinada nooca dhulka lagu Aaso ah.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkaas, waxaana warar lagu daabacay Baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay laba Askari oo Kenyan ah, sidoo kale ay ku qabsadeen saanad Millateri.

Saraakiisha Ciidamada Millateriga Kenya ee Gobolka lamu weli kama hadlin weerarkaas, hayeeshee wuxuu kusoo aadayaa xilli todobaadkaan gudihiisa Gobolka lamu ay ka dhaceen weeraro dhowr ah oo lala beegsaday Ciidamada Kenya.