Wadada oo halbowle u ah isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa go’an Maalmihii la soo dhaafay, iyada oo aan wax Gaadiid ah ka Shaqeyn.
Wadadaan ayaa waxaa saameyn ku yeeshay Wabiga Shabeelle oo ka baxay Tuulooyinka Baareey iyo Mooyiko, iyada oo sigar ah wadada u dahxeysa Balcad iyo Jowhar ay Biyo farabadan fariisteen.
Sidoo kale Wabiga ayaa ku fatahaday Tuulooyinka Koongo Iyo Daanyeereey oo u dhow Magaalada Jowhar, waxaana gebi ahaan isaga barakacay dadkii rayidka ahaa ee ku noolaa si uusan waxyeelo ugu geysan fatahaada Wabiga.
Mid kamid ah Darawalada Gaadiidka ee ka dhex Shaqeeya wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ayaa sheegayin muddo todobaad ah aysan Shaqeyn, isla markaana wadadii ay mari lahayeen ay biyo farabadan gooyeen.
Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa dhowr jeer sheegay in fatahaada Wabiga Shabeelle uu sii kordhayo, isla markaana uu ku fidayo hadii aan laga garin degaano badan oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.



