Wasiiro ka tirsan Xukuumada oo baarlamaanka hortagaya

Labo kamid ah wasiirada xukuumada Cumar C/rashiid Cali ayaa maanta hortagaya xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya si su’aalo ay kaga weydiiyaan arimo la xiriira wasaaradahooda.

Wasiirada maanta hortagayo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa kala ah wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen iyo wasiirka amniga xukuumada Soomaaliya Mudane C/risaaq Cumar Maxamed.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo kamid ah hab-dhowrayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa Sheegay in xildhibaanada baarlamaanka ay u yeereen labada wasiir, ayna weydiinayaan su’aalo ku saabsan shaqadooda.

Sidoo kale xildhibaanka wuxuu sheegay in arimaha amniga ay ugu badnaan doonaan su’aalaha la weydiin doono labada wasiir, waxaana la filayaa in kulankaasi uu ka furmo xarunta golaha Shacabka.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.