Maamulka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka hadlay dagaal xalay ka dhacay degmada oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo ciidamada Al-shabaab oo weerar ku soo qaaday degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka amaanka ee degmada Afgooye Yuusuf Maxamed Moordow oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in Al-shabaab xalay weerar kusoo qaadeen seddex fariisin oo ciidamada ku leeyihiin degmada Afgooye iyo duleedka degmada.
Gudoomiyaha wuxuu sheegay in Al-shabaab ay ka been sheegeen sida uu hadalka u dhigay weerarkii xalay, wuxuuna beeniyay in Alshabaab qabsadeen saldhiga degmada Afgooye.
Sidoo kale wuxu guulo ka sheegtay dagaalkii xalay ka dhacay degmada Afgooye isaga oo sheegay in hub ay ku qabsadeen dagaalka ka dhacay degmada Afgooye.


