Saraakiisha Amaanka Garoonka Kismaayo oo ka hadlay amaanka Garoonka

Saraakiisha dhanka ammaanka Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo, ayaa ka hadlay Madaafiic al-Shabaab habeen hore ay ku tuureen Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Ismaaciil Kheyre Dhuxuloow oo ah Taliyaha ammaanka Garoonka Kismaayo, ayaa sheegay in Shabaab labo Madfac ay ku soo tuureen Garoonka, islamarkaana ay ku dhaceen meel banaanka ka ah Garoonka.

Wuxuu sheegay Madaafiicdaasi  inaysan ka dhalan wax Khasaare ah oo soo gaaray dadka shacabka ah iyo dadka Garoonka ka shaqeeya, isaga oo sheegay inay durba ku baxeen halkii Shabaabka ay madaafiicda ka soo tuureen.

Taliye Dhuxulow, wuxuu sheegay Shabaab inay yihiin naf la caari oo aysan laheyn awood badan, islamarkaana ay miciin bideen sida uu yiri inay dhibaateeyaan dadka shacabka ah.

Ammaanka Garoonka Kismaayo ayuu sheegay  inuu yahay mid aad u wanaagsan oo la isku haleyn karo, si wanaagsana ay u socoto Shaqada Garoonka.

Shabaab ayaa sheegtay Habeen hore inay Duqeyn ku garaaceen Saldhig sida ay sheegeen Mareykanka si qarsoodi ah ugu leeyahay Garoonka Kismaayo.