Kooxo Hubeysan oo dil ka geystay Degmada Wadajir

Wararka naga soo gaaraya degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay dil ka geysteen degmadaasi, sida dad goobjoogayaal ah inoo xaqiijiyeen.

Kooxaha hubeysan oo watay gaari nooca raaxada ah ayaa la sheegay iney gaarigooda ku horjareen gaari uu la socday ruux la sheegay inuu la shaqeynayay mid kamid ah shirkadaha laga leeyahay dalka Turkiga.

Masuuliyiinta maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaanan wali ka hadlin dilka ka dhacay degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ruuxa la dilay uu watay gaari kale uuna ku sugnaa xaafada Buulo-xuubey ee degmada Wadajir.

Warar dheeri ah oo aan heleyno xaqiijinaya in ruuxa la dilay uu ka tirsanaa Shaqaalaha shirkad laga leeyahay dalka Turkiga, waxaana la sheegay inuu ahaa darawalkii waday gaariga la rasaaseeyay.