Daawo Sawiradda:- Madaxweynaha Puntland oo u duulay dalka Ethiopia

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Welli Maxamed Cali, ayaa maanta ka duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe isagoo u duulay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Wafdiga madaxweynaha maamulka Puntland oo ay kamid yihiin xildhibaabo iyo wasiiro xukuumadiisa ka tirsan ayaa waxaa laga sagootiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe.

Lama oga waxyaabaha keenay in madaxweynaha Puntland oo u duulo magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, balse safarkiisa ayaa kusoo aday iyadoo dhawaan uu shaaciyay in Puntland u banaan tahay seddex wado oo mid kamid ah tahay ka go’itaanka Soomaaliya, haddii aysan ku qancin qaabka xildhibaanada baarlamaanka loosoo xulayo.

Madaxweynaha Puntland ayaa isaga oo saxaafada kula hadlayay magaalada Garowe   sheegay in safarka uu ku tagayo magaalada Addis Ababa uu yahay mid  casuumaad kaga helay dowlada Ethiopia.

Ethiopia ayaa kamid ah dalal ciidamo ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM ka joogaan dalka Soomaaliya.

Gaas-1 Gaas-2 Gaas-3