Wafdi Wasiiro ah ayaa saaka ka ambabaxay Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland , kuwaa soo hadda kusii jeeda degaanka Afurur oo dhawaan lagu laayay Ciidamo ka tirsan Puntland.
Wasiiradaan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga , Wasiirka Gadiidka , Wasiirka Beeraha iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland.
Wasiiraddaan ayaa ah Guddi loo xilsaaray in ay soo baaraan dhibaatadii Al-Shabaab ay ka geysteen degaanka Af-Urur ee gobolka Bari.
Wafdigaan ayaa Marka hore ku hormari doona degaano ay yaallaan dhaawacyo ay waxyeelo kasoo gaartay Weerarkii Af urur.
Al-Shabaab ayaa dhawaan Weerar xooggan ku qaaday Saldhiga Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin degaanka Af-Urur , waxaana ay dileen ciidamadii halkaasi joogay.



