Ciidamada Xasilinta Caasimadda ayaa Saaka howlgallo kala duwan waxa ay ka waddaan qaar ka mid ah Isgosyadda Magaalada Muqdisho iyo sidoo kale xaafadaha degmooyinka Waabari iyo Xamar Jabjab.
Ciidamada ayaa dadweynaha iyo Gawaarida Baaraya ,islamarkaana waydiinaya dadka Aqoonsiyo iyo waxyaabaha ay qabtaan.
Dadweynaha ayaa la galinaya Saf dheer, waxaana mid mid u xog wareysanaya Ciidamada dowladda.
Wadada Dheer ee Makah Almukaramaha , Isgosyka Taleex, iyo qaar ka mid ah Wadooyinka kale ee Muqdisho ayaa howlgalladu ka socdaan.
Ciidamada Xasilinta Caasimadda ayaa laba jibaaray maalmihii lasoo dhaafay howlgallada ay ka waddaan wadooyinka Magaalada Muqdisho.


