Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa ka hadlay hanaanka Dayn cafinta Soomaaliya in uu dhammaanayo bartamaha bisha December ee Sannadkan.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya e Biixi Iimaan Cige ayaa ka hadlay hanaanka Nidaamka Dayn cafinta Soomaaliya iyo halka uu marayo
Wasiir Biixi Imaan Cige oo la hadlay Warfidiyeenka ayaa sheegay in hanaanka daynta cafinta uu soo maray marxaladdo kala duwan oo dowladda Soomaliya ku bixisay daddaal xooggan kaas Sidoo kale uu dhamanayo bartamaha bisha December ee Sannadkan
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaasidoo kale sheegay in ay socdaan habraacyo lagu xadidayo laguna xakamaynayo dhaqaalaha Alshabaab daba galna lagu haayo ciska ayuu yiri Wasiir Biixi.
Sidoo kale Wasiirka maaliyadd xukuummadda federaalka Soomaaliya ka war bixiyey kulan uu la qaatay haya’addaha caalamiga ee doorka ku leh daynta cafinta isagoo xusay in dhamaan kulamadaas ku dhamaadeen is faham iyo wada shaqayn buuxda,wasiirka ayaa si gaar ah u xusay inuu kulamo kala duwan la qaatay Haya’addaha Maaliyadda dalka Maraykanka,dalalka Carabta,iyo yurub isagoo ugu bishaareeyey Shacabka Soomaaliyeed in si dhamaystiran loo cafin doono daynta lagu leeyahay Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in ay socdaan habraacyo lagu xadidayo laguna xakamaynayo dhaqaalaha Alshabaab & Dadka lacagaha ku Taageera .



