Wasiirka Wasaarada Cadaalada Xukuuada Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa Maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ka hor aqriyay Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga Madaxa –banaan ee la dagaalanka Musuq Maasuqa.
Aqrintaan ayaa noqoneyso Aqrintii koowaad ka dib markii ansixintii Golaha Wasiirada Soomaaliya 22-kii bishii hore ee Juun.
Wasiirka ayaa Xildhibaanada u sharaxay Muhiimada ay leedahay dhismaha Guddigaan iyo sharciyada uu ku shaqeynayo.
Wasiirka ayaa sidoo kale sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay Shaqooyinka ay qabanayaan Xubnaha Guddigaan.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la cadeeyo Miisaaniyada uu ku shaqeynayo Guddigaan maadaama Warqada loo gudbiyay Xildhibaanada aysan ku cadeyn.
Waxa uu sheegay in loo baahan yahayin si dhab ah loo Cadeeyo Miisaniyada Guddigaan inta Xildhibaanada aysan ka doodin.
Soo jeedinta Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayay Xildhibaanada qaateen oo dhamaantod ay isku raaceen in Wasiirka lagu celiyo heerkan isla markaana uu soo Cadeeyo Miisaaniyada Guddigaan ka dibna uu Xildhibaanada kula soo laabto.



