Wasiirka caafimaadka Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho waxaa soo caga dhigatay diyaarad sida wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka Turkiga oo ay ka mid yihiin dhakhaatiir, waxaana xiga oo daqiiqado ka dib la filayaa diyaarado kale kuwaas oo ah gurmadka dowladda Turkiga ugu talagashay dadka Soomaaliyeed ee dhibaatada ku habsatay.

Wasiirka Caafimaadka Turkiga oo warbaahinta Dowladda la hadlay ayaa sheegay in Madaxweynaha Turkiga uu ka sido salaan iyo tacsi islamarkaana guud ahaan dadka Turkiga ah ay la xanuunsanayaan walaalahooda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Dowladda Turkiga ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee ka soo jawaaba codsiga dowladda Soomaaliya u jeedisay oo ahaa in gurmad lala soo gaaro dadka dhaawacyada ka soo gaareen qaraxii ka dhacay isgoyska mashquulka badan ee Zoobe.

Islamaanta waxaa la filayaa in dalka Turkiga caafimaad ahaan loogu qaado dhaawacyada dad gaaraya 50 qof, kuwaasi dhaawacyada soo gaaray ay daran yihiin, sida ay sheegeen Guddiga arrintan loo xilsaaray.