Wasiirka Amniga “waa in la qeexaa shaqada Boliiska Soomaaliyeed”

Wasiirka amniga dowladda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa maanta waxa uu magaalada Muqdisho ka furay shir la sheegay in uu socon doono muddo 3 maalin ah, waxaana shirkan looga hadli doonaa qaab dhismeedka ciidanka Boliiska Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Amniga gudaha, xubno ka socday Wasaradaha Amniga maamul Goboleedyada iyo Maamulada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in shirkan ay ka filayaan in ay kasoo baxaan arrimo waxgal u ah tayeynta Boliiska Soomaaliyeed.

 

Wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in arrimaha ka qeybgalayaashu ay diiradda saarayaan muhiimada ah in la qeexo doorka iyo shaqada Boliiska Dowlad Goboleedyada iyo kuwa Federaalka ah isla markaana ay u saareen guddi farsamo oo cadeyn doona arrintaasi.

Dhowaan ayay aheyd markii magaalada Nairobi uu ka dhacay shir waxaana looga hadlayay sida uu noqonayo qaab dhismeedka Boliiska heer Federaal iyo kuwa Gobolada.