DHAGEYSO: Q.M oo dowladda ugu baaqday in ay xoojiso hey’adaha garsoorka

Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya looga baahanayahay in  ay sare u qaado garsoorka dalka oo ay sheegeen in uu hada hooseeyo .

khabiiro  madax banaan ayaa sheegay in ay jiraan falalka kufsiga ah oo ka dhacay Soomaaliya sidaas darteena loo bahanyahay in la dhiso ciidan gaar ah oo loo tababaray baarista iyo dabagalka Falalka kufsiga ee ka dhacay Soomaaliya.

Khabiirka madaxa banaan ee Qaramada Midoobe  ugu qaabilsan xaaladda Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya, Bahame Tom Mularya ayaa waxa uu dowladda Soomaaliya ugu baaqay in sare loo qaado Awoodda Hay’adaha Garsoorka iyo ciidanka Boliiska si ay gacanta ugu soo dhigaan fal-dembiyeedyadda kufsiga.

Bahame Tom Mularya  ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in walaac ka muujinayaan  arrinta xalinta odayaasha dhaqanka, mararka qaarna ay dhacaan falal kufsiga ku saleysan.