Wasiirka amniga” Ma jiro amar naga soo baxay oo lagu baarayo xildhibaanada baarlamaanka”

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka mid ahaa Masuuliyiin maanta hor tagtay baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin amar ka soo baxay Wasaaradda Amniga oo lagu baarayo Xildhibaanada Baarlamaanka iyo ku xad gudubka Xasaanada Xildhibaanka.

Wasiirku waxa uu sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah isla markaana aysan raali ka ahayn in lagu xad gudbo Xasaanada Xildhibaanada qaranka.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in ay ilaalinayaan Xasaanada Xildhibaanada iyo sharciyada dalka u yaallo.

Dhanka kale Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo manta su’aalo la xiriiro Xasaanada Xildhibaanka weydiiyay Wasiirada kala ah Gaashaandhigga, Amniga iyo Saraakiil kale ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la ilaaliyo Xasaanada Xildhibaanka.

Waxay sidoo kale wax ka weydiiyeen amaanka dalka iyo qorshooyinka lagu xaqiijinaayo amaanka.

Waxay tilmaameen in ay wanaagsan tahay in la wada ilaaliyo Xasaanada Xildhibaanada qaranka iyo sharciyada kale ee dalka