Waxaa maanta magaalada Cadaado ee xarunta ku meel gaarka u ah maamulka Galmudug gaaray danjiraha QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya michel keating, Waxaana uu kulan laqaatay hogaanka maamulka Galmudug
Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed oo kulan saacado qaatay uu la yeeshay michel keating iyo wafdigii uu hogaaminaayay ayaa ka warbixiyay ujeedooyinka socdaalka danjiraha qaramada midoobay uqaabilsan arimaha Soomaaliya uu ku gaaray magaalada cadaado.
Madaxweyne Guuleed ayaa sheegay in waxyaabaha ugu weyn ay kawada hadleen ay ahayd marka laga soo tago xaalada guud ee deegaanada Galmudug, doorashada Soomaaliya ee dabayaaqada sanadkaan ee loo madalsanyahay in ay ka dhacdo dalka.
Halkaan ka dhageyso codka C/kariin Guuleed


