Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Miino oo Barqanimadii Maanta ka dhacay Bartamaha Magalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari,qaraxaas oo la sheegay in lala eegtay Gaari uu watay mas’uul xilal kala duwan kasoo qabtay Puntland.
Qaraxa ayaa Goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in lala eegtay Gaari uu watay Wasiirkii hore ee Qorsheynta Xukuumaddii Madaxweyne Gaas sidoo kalena mar soo noqday wasiirka Maaliyadda Puntland kaas oo lagu Magacaabo Shire Xaaji Faarax,isla markaana uu ku dhaawacmay mid ka mid ah ilaaladiisa.
Gaariga oo ahaa midka aan xabada Karin ee Buled Burufka ayaa la sheegay in miinada ay ka haleeshay qeybta dambe,xilli uu marayay xaafada New Boosaaso, laamiga afar irdoodka kuna dhow hoteelkii hore ee Ramaada ee Magalada Boosaaso.
Sidoo kale Shire Xaaji Faarax ayaa horay uga mid noqday musharixiinta Madaxweynaha Puntland doorashadii uu kusoo baxay Cabduweli Maxamed Cali Gaas,hayeeshee markii dambe uu soo qabtay xilalka Wasiirada Maaliyadda iyo Qorsheynta Puntland.
Laamaha Amniga Magalada Boosaaso ee Gobolka Bari weli kama hadlin qaraxaas,hayeeshee bilihii u dambeeyay ayaa Magalada Boosaaso waxaa ay noqotay mid amaankeeda sii xumaanayay, iyada oo ay ka dhaceen qaraxyo iyo dilal ay mas’uuliyadooda sheegteen Al-Shabaab.



