WARBIXIN:- Muxuu yahay Barnaamijka Gurmad Qaran ?+SAWIRRO

Muqdisho-RisaalaFM- Barnaamijkan Gurmad Qaran, waa Barnaamij baaxad weyn oo ka soo bilowday koox dhalinyaro ah oo is abaabushay, kadib qaraxii lagu dhammaaday ee Sabtidii 14-kii October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Kooxdan dhalinyarada ah ayaa waxa ay sameynayaan in intii karaankooda ah ay ka qabtaan oo ay gacan siiyaan Ehelada dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Zoobe, kaasi oo sababay in dadka qaar uu jirkooda bedelmo oo ay kala go’aan.

Dhalinyaradan oo ku shaqeysa xaruntii hore ee Hargaha iyo saamaha ayaa waxaa ay sameeyaan in ay uruuriyaan xogta la xiriirta Qaraxa, in dadka dhaawacyada ah ay dhiig u shubaan iyo in Ehelada raadineysa dadkooda ay isku xiraan.

Muna Xasan Maxamed waxa ay ka mid tahay Dhalinyarada Gurmad Qaran, waxa ay Risaala u sharaxday inta qeyb ee ay ka kooban dhalinyarada ka shaqeyneysa Barnaamijka Gurmad Qaran.

Dhalinyarada Gurmad Qaran ayaa sidoo kale sheegay in isbitaalada inta badan ee ku yaalla Muqdisho ay la shaqeynayaan, qaarkoodna ay lacag la’aan ka dhigeen adeegyada ay bixinayaan, waxyna intaas ku dareen in ay wadaan kala sooc ku aadan dadka Isbitaalada ku jira ee u baahan Daashiinka iyo Daawada.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa dhalinyarada Gurmad Qaran ugu baaqay in ay kordhiyaan dadaalada ay wadaan, kadib booqasho uu ku tagay xarunta Gurmad Qaran.

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo booqday Xarunta Gurmad Qaran ayaa khadka teleefanka kula hadlay dad soo wacay xarunta oo baadi goobaaya dad ay ilaa haatan ku la’yihiin qarixii, waxa uuna u sheegay Madaxweynuhu in dowladdu ay samaynayso dadaal kasta oo wax loogu qabanaayo dadka ay dhibaatadu soo gaartay.

Waxaa isa soo taraya dhalinyarada marba marka ka dambeysa ku biireysa Barnaamijka Gurmad Qaran, kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya dhameynta musiibadii dhacday, waxaana howlahan socda aad u soo dhaweeyay shacabka Soomaaliyeed, oo sheegay arrintan in ay tahay mid ku dayasho mudan.

 

PHOTOS:- Abdirashiid Ali Dubbad Gacal