Wararkii ugu dambeeyay Wadahadalada Ruushka iyo Ukraine

In this photo provided by the Ukrainian Presidential Press Office, Ukrainian President Volodymyr Zelenskyy delivers his speech addressing the nation in Kyiv, Ukraine, Friday, Feb. 25, 2022. Russian troops bore down on Ukraine's capital Friday, with explosions and gunfire sounding in the city as the invasion of a democratic country fueled fears of wider war in Europe and triggered new international efforts — including direct sanctions on President Vladimir Putin — to make Moscow stop. (Ukrainian Presidential Press Office via AP)

Wadahadaladii ugu dambeeyay ee waji ka waji la isku hor fariistay ee u dhaxeeya wufuud ka kala socoto Ukraine iyo Ruushku ayaa ku soo idlaaday Istanbul. Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in wadahadaladu qaateen muddo saddex saacadood ah.

Dhinaca Ukraine ayaa sheegay in ay soo jeediyeen nidaam cusub oo ah damaanad qaad amni kaas oo ay garwadeen ka noqonayaan wadamada sida Turkiga oo kala ah.

Ukraine ayaa wadahadlada inta aysan bilaaban ka hor sheegtay in ay dalabka Moscow u tixgalinayaan mid dhexdhexaad ah, balse aysan marnaba ka tanaasuli doonin dhulkooda.

Safiirka Ukraine ee UK Vadym Prystaiko ayaa BBC da u sheegay inta aysan wadahadaladu bilaaban in uu rajeynayo in Ruushku u furfurnaandoono wadahalka.

Madaxa wadhadalada wafdiga Ruushka Vladimir Medinsky ayaa sheegay in ay walwal ka qabaan suura galnimada ciqaabo lagula kacayo askar Raashiyaan ah.