Wararkii ugu dambeeyay Qarax ka dhacay Hiiraan

Hiiraan-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Miino oo Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka lagula eegtay wado xiriirisa Magaalooyinka Beledweyne iyo Maxaas oo ka wada tirsan Gobolka Hiiraan.

Qaraxan oo loo maleynayo in xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ay ku aaseen wadada ayaa waxaa Ciidamada Millitariga Soomaaliya lagula eegtay degaan 30-KM ujira Magaalada Beledweyne.

Khasaare dhaawaca ah ayaa soo gaaray Ciidamada qaraxa lala eegtay, ilaa Shan Askari ayaa dhaawacmay, kuwaasi oo loo qaaday Isbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne, si xaaladooda caafimaad loola tacaalo.

Sarkaal ka tirsan Millitariga Soomaaliya ayaa sheegay in qarax Miiino lala beegsaday Gaari nuuca dagaalka ah oo ay wateen Ciidamada, wuxuuna tilmaamay in Ciidamada xilligaasi ay ku guda jireen Howlgal ka dhan ah ururka Al-shabaab.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa shalay Gobolka Hiiraan waxa ay ku soo bandhigeen Sahnad Millitari oo ay sheegeen in ay ku qabsadeen dagaal ay la galeen ururka Al-shabaab.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa wuxuu dhawaan sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii guud ahaan gobolka Al-Shabaab looga ciribtiri lahaa sidoo kalena loo xoojin lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa Ciidanka iyo Shacabka gobolka Hiiraan.